Published On: Mon, Aug 7th, 2017

DEGDEG- Dab xoogan oo Caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Muqdisho (Sh M Network)– Dab xoogan ayaa goordhow ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta Sarifka dabka ayaa ah mid aad u xoogan waxaana Suuqa ku sii qulqulaya dad badan kuwaasi oo goobo ganacsi ku leh halkaasi.

ilaa hada lama oga waxyaabaha sababay dabkani qabsaday qeybo ka mid ah Suuqaadaasi waxaana hadda soconaya dadaalo lagu doonayey in lagu damiyo dabkaasi.

Mid ka mid ah Dadka Ganacsatada ee Bakaaraha oo ku sugan goobta dabka uu ka soconayo ayaa   shabelle u sheegay in gadiidka dabdamiska ay soo gaareen goobta islamarkaana ay wadaan dadaal lagu daminayo dabkaasi,

Marar badan suuqa Bakaaraha waxaaa ugu kacay dab qasaarooyin hantiyadeed sababay.

Wixii faafaahin ah kala soco Shabelle


About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>