Published On: Mon, Aug 7th, 2017

Guddoomiye Ku Xigeenkii hore ee Maamulka Gobolka Bari oo lagu dilay Boosaaso

Boosaaso (Sh M Network)–Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay dileen Guddoomiye Ku Xigeenkii hore ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Khadar Ismaaciil Cabdulle dilkiisa ka dhacay Xaafada Afar Irdoodka ayaa waxaa fuliyay dabley bistoolado ku hubeysnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa geerida marxuum Khadar u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in gacanta lagu dhigay labo ruux oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka Guddoomiye Ku Xigeenkii hore ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkan ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.


About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>