Published On: Mon, Aug 7th, 2017

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Duleedka Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Sh M Network)–Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ruux shacab ahaa ay ku dileen Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa sida la sheegay waxuu ka dhacay Degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Caasimada Soomaaliya.

Guddoomiye Ku Xigeenka Degaanka Ceelasha Biyaha, C/naasir oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in meydka ruuxa la dilay la geeyay saldhiga booliska.

Waxaa uu xusay in dableydii ka dambeysay weerarkaasi ay isaga baxsadeen balse ay socdaan howlgallo baariraano ah.

Ilaa iyo hada lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilkan ruuxan shacabka ahaa oo ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.


About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>