Published On: Tue, Aug 8th, 2017

Baarlamaanka Soomaaliya oo Su’aalo Weydiiyay Xunbnaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan.

Muqdisho (Sh. M. Network)-Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka Dooday warbixin ay dhawaan usoo gudbiyeen guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka, kadib kulan ay ku yeesheen xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada qaar ayaa Aragti kala duwan ka bixiyay qaabka ay Doorasho Qof iyo Codkii uga dhici lahayd dalka, taasoo la qorsheynayo in ay dhacdo sanada 2021-ka .

Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in maamulka Soomaaliland lagu daro  qorshaha socdo ee Doorashadaasi.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka  Madaxa Banaan ayaa sheegtay in ay jiraan Caqabado hortaagan in la gaaro Doorasho Qof  iyo Codkii ah.

Waxaana ay ballan qaaday in si dhow ay ula shaqeyn doonto xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Gabagabada kulanka baarlamaanka waxaa hadalka qaatay guddoomiye ku xigeenka 1 aad ee baarlamaanka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Mudeey oo kulanka shir guddoominayay , waxaana uu ka mahadceliyay howsha adag oo ay hayaan guddiga Doorashooyinka  Madaxa Banaan.

Isagoo madaxda dalka kula taliyay in ay si dhow ula shaqeeyaan guddigaasi, si loo gaaro Doorasho xalaal ah oo ka qabsoonto guud ahaan dalka.

Waa Fadhigii 12 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga labaad ee baarlamaanka, waxaana maanta soo Xaadiray 140 mudnae oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

 

 

 


About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>