Published On: Tue, Aug 8th, 2017

Puntland oo sheegtay in ay Gacanta ku soo dhigtay Raggii ka Danbeeyay dilka guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Bari.

Boosaaso (Sh. M. Network)-Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay dil Shalay loogu geystay Magaalada Boosaaso guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Bari Khadar Ismaciil.

Waxaana taliyuhu sheegay in Gacanta ay ku soo dhigeen Nin uu tilmaamay in uu ka danbeeyay dilka masuulkaasi , kaas oo uu xusay in hada uu ku xiranyahay Xabsiga dhexe ee maamulkaasi Puntland.

Sidookale taliye Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa hoosta ka xariiqay in Shaqsigaasi la horkeeni doono Cadaaladda, si looga qaado Tallaabo waafaqsan Sharciga.

Ugu danbeyntii taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Bari ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland in ay la shaqeeyaan ciidamada Amaanka, si looga hortago falalka amaan dari ee ka dhaca Magaaladaasi.

 


About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>