Published On: Tue, Aug 8th, 2017

Qoysas barakacayaal hor leh oo soo gaaray Duleedka Magaalada Muqdisho.

Muqdisho  (Sh. M. Network)- Qoysaskani oo intooda badan ka soo barakacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay soo gaareen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Barakacayaasha oo tiradoodu ay gaareyso Boqolaal ayaa waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin isbiirsaday oo ay ka mid yihiin Haraad iyo Gaajo

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada maamulka deegaanka Garasbaaley Cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa eedeyn kulul waxa uu u jeediyay Hay,adaha Samafalka, isagoona hoosta ka xariiqay in Raashinka ay ugu talagalaan dadka Danta yar ay kusoo beegaan, xilliyo aan munaasab ahayn .

Qaar kamid ah qoysaska soo gaaray maanta deegaanka Garasbaaley ayaa waxa ay faafaahin ka bixiyeen dhibaatooyinka heysta, oo ay sheegeen in xaalado dhinaca nolosha ah ay uga soo tageen deegaanadii ay daganaayeen, waxaana ay dalbadeen in loo soo gurmado.

Deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Qoysas horay uga soo barakacay deegaanadii ay ku noolaayeen ee Gobolada dalka, kuwaasi oo hada xaalado dhanka nolosha ah ay ku heestaan deegaankaasi.


About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>