Published On: Tue, Aug 8th, 2017

Suuqyada Ganacsiga Magaalada Garoowe oo maanta Xiran.

Garoowe (Sh. M. Network)-Qaar ka mid ah Suuqyada Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta xiran, waxaana jirin dhaqdhaqaaqyada Ganacsi ee Suuqyadaasi.

Xirnaashaha Suuqyada Magaalada Garoowe ayaa waxaa loo sababeynayaa in ay ka danbeysay diidmada  Lacagta Shillinka Soomaaliga oo weli ka taagan deegaanada maamulkaasi.

Waaxaana ka mid ah Suuqyada maanta xiran, Suuqa Khudaarta iyo kan Hilibka ee Magaalada Garoowe oo gabi ahaan ah kuwa xiran.

Sheikh Cabdirisaaq Xuseen Ciise oo ka mid ah Culima’udiinka Puntland ayaa sheegay in masuuliyadda arrintaan ay leeyihiin madaxda Puntland oo uu tilamaamay in looga baahanyahan in ay wax ka qabtaan dhibaatadaasi.

Waxaana  sidookale uu ugu baaqay Ganacatada Garoowe in ay iyaguna u dhimriyaan Shacabka, si looga gudbo dhibaatada hada ka taagan deegaano ka tirsan maamulkaasi Puntland.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ay dhibaato ka taagneyd diidmada Lacagta Shillinka Soomaaliga, waxaana qeybo ka mid ah Puntland ka dhacay Dibadbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo arrintaasi.

 

 

 

.

 


About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>